Joe Cole oo Si Lama Filaan Ah U Shaaciyay Saxiixii Ugu Weynaa Ay Koox Premier League Ka Dhisan Sameyso Suuqa Xagaaga

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Ingiriiska, Joe Cole, ayaa ku tilmaamay saxiixa Liverpool ee Florian Wirtz inuu yahay “farriin weyn” oo kooxda ka timid, isaga oo ku sifeeyay xiddiga Bayer Leverkusen midka ugu qiimaha badan suuqa kala iibsiga xagaagan ee Premier League.

Liverpool ayaa noqotay kooxda kharashka ugu badan ku bixisay suuqa, iyadoo bixisay ku dhowaad $400 milyan. Inkastoo kooxaha kale sida Arsenal iyo Manchester United ay sidoo kale maalgelin ballaaran ku sameeyeen ciyaartoy cusub, Cole ayaa aaminsan in saxiixa Wirtz — oo lagula soo wareegay rikoodh taariikhi ah oo gaadhaya $156 milyan (£100M+) — uu yahay saxiixa ugu weyn suuqa.

“Liverpool waxay dirtay farriin cad,” ayuu u sheegay TNT Sports. “Wirtz wuxuu leeyahay awood uu ku dejiyo ciyaarta markasta oo uu kubadda taabto, waa mid cajiib ah. Aniga ahaan waa saxiixii xagaaga. Goorma ayay Liverpool samaysay saxiix sidan oo kale ah? Waa ciyaaryahan da’ yar oo aad u fiican, waxayna ku bixiyeen lacag ka badan £100 milyan si ay u helaan. Aniga waxay ila tahay inay yihiin kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka tobanka sano ee soo socota.”

Owen Hargreaves ayaa isna taageeray fikradda Cole, isagoo sheegay: “Florian Wirtz waa mid gaar ah, taasina waa sababta ay ula saxiixdeen.”

Xiddiga reer Jarmal ayaa xilli ciyaareedkii hore Bundesliga ku dhammaystay isagoo heysta tiro labo-lambar oo goolal iyo caawino ah.