Joe Biden oo U Ambabaxay Ka Qeybgalka Shirka G7 ee Ka Furmaya UK

0
165

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaco ah safarkiisii ugu horreeyay ee qaaradda Yurub ugu ambabaxay magaalada London halkaas oo ugu qeybgali doono shirka ururka G7.

Biden oo socdaalkiisa Qaaradda Yurub uu qaadan doono muddo siddeed maalmood ah ayaa wuxuu kale dib ugu yagleeli doonaan xiriirkii Mareykanka iyo xulufadiisa, kaas oo xumaaday intii uu talada hayay Madaxweyne Donald Trump.

Reuters ayaa qortay in Biden uu 16-ka June magaalada Geneva ee waddanka Switzerland kula kulmi doona madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin oo uu kala hadli doono arrimo badan oo mugdi kala dhex dhigay labada dal.

Biden wuxuu maalinta Khamiista ah kulan la yeelan doona Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, kaas oo ka dhici magaalada xeebta ah ee Cornwall,

Labada hoggaamiye ayaa dib u soo cusbooneysiin ku sameyn doona xariirka gaarka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ingiriiska kaddib ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Shirka G7 oo socon doona muddo saddex maalmood ah kaddib mudane Biden iyo marwadiisa Jill Biden ayaabooqasho ugu tagi doona boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth, waana markii labaad oo Biden la kulmo boqoradda Ingiriiska, iyadoo kulankoodii hore uu dhacay sanadkii 1982, xilligaas oo uu ahaa Senator laga soo doortay gobolka Delaware.

Intaas kaddib, Biden u safri doonaa magaalada Brussels, halkaas oo uu wadahadallo kula yelan doono hoggaamiyeyaasha NATO iyo Midowga Yurub oo ay ka wada arrinsan doonaan faragalinta Ruushka, Shiinaha iyo xoojinta difaaca xulafada NATO.

Kulanka Baiden iyo hoggaamiyeyaasha NATO ayaa la filayaa in uu walaac u horseedi doono Putin oo sheedda ka daawan doona isgarabsiga cudud iyo kan maskaxeed ee huwanta.