Jeremie Frimpong Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Liverpool Kadib Markii Uu Ku Biiray Reds.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jeremie Frimpong ayaa u balan qaaday jamaahiirta Liverpool inuu wax walba bixin doono ka dib markii ay kooxdu ku dhawaaqday inay 29.5 milyan kula soo wareegayso xiddiga Bayer Leverkusen.

Reds ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa 24 jirkan garabka ka ciyaara ee aadka loo qiimeeyo kaas oo ay uga soo iibsatay kooxda Bundesliga ka dhisan wuxuuna qalinka ku duugay heshiis shan sano ah.

Frimpong, oo 12 jeer u saftay Netherlands, ayaa u yimid bedelka Trent Alexander-Arnold, kaasoo ka tagay Liverpool kuna biiray Real Madrid.

Waxa uu ka caawiyay Leverkusen inay qaado horyaal iyo koob laba jeer ah 2024 wuxuuna hore ugu soo ciyaaray kooxda reer Scotland ee Celtic ka hor afartii sano ee uu joogay Germany.

“Taageerayaasha Liverpool, waxaan bixin doonaa wax walba oo aan awoodo, tamarteyda, heerka shaqadeyda, waxaana rajeynayaa inaan si wada jir ah u guuleysan karno, si wadajir ah ayaan u dabaaldegeynaa, wax walbana waan isugu geynaa,” ayuu Frimpong u sheegay website-ka Liverpool.

“Wan ku faraxsanahay in aan halkan joogo, waad ku mahadsantihiin in aad I aqbasheen idinma niyad jabin doono”.