Jarmalka oo Malaayiin Yuuro Ku Taageeraya Gargaarka Bani aadannimo ee Soomaaliya

0
264

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Germany ayaa 12 milyan oo Yuuro ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya (SHF), taasoo ka dhigan in uu Jarmalku sannadkan dhaqaale dhan 64 milyan oo Yuuro uu ku bixiyay gargaarka arrimaha bini’aadannimo ee Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu caawin doonaa dadka si ay ula tacaalaan xaaladaha abaareed ee isisoo taraya. Ku dhawaaqista taageeradan ayaa daba socotay lacag kale oo dhan 7 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay hawlaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).

Jarmalku wuxuu sheegay inuu sii wadayo inuu garab istaago Soomaaliya iyo dadkeeda si loo maareeyo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha sida ugu macquulsan.

Taageerada dowladda Germany waxay ku soo beegantay waqti aad xasaasi u ah, iyadoo Soomaaliya ay la dagaalameyso abaar ka dib markii ay hoos u dhaceen roobabkii dalka ka da’i jiray.

Qaramada Midoobay (QM) ayaa ku qiyaastay in 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar 2022.

Isbeddelka cimilllada ayaa si aan toos ahayn u saameeyay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa xoolo dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda oo noloshoodu ay si weyn ugu tiirsantahay roobabka.

Roobabka oo yar amaba aan di’ain xilligooda, mowjado ayax ah oo labadii sano ee la soo dhaafay waxyeello ba’an gaadhsiiyay dalagga beeraha iyo saameynta xanuunka Covid19 oo isbirrsaday ayaa malaayiin Soomaali ah u nugleeyay in ay u baahdaan gargaar degdeg ah sida cunno, biyo, dawo iyo hoy.