Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Borussia Dortmund ayaa markale bilaabeysa wadahadallo rasmi ah oo ay si buuxda ugula soo saxiixaneyso Jadon Sancho, taasoo noqon karta markii saddexaad ee uu ku laabto kooxda Jarmalka, sida laga soo xigtay warbixin ay shaacisay Sky Sports.
Sancho, oo xiddig caan ah ka noqday Dortmund intii u dhaxeysay 2017 illaa 2021, ayaa kooxda dib ugu soo laabtay si amaah ah bishii Janaayo 2024, kaddib markii laga saaray qorshaha tababare Erik ten Hag ee Manchester United. Haatan, Dortmund ayaa dooneysa inay si joogto ah ula soo wareegto laacibkaas.
Wararka waxay sheegayaan in Manchester United ay dalbaneyso lacag u dhaxeysa €18 ilaa €20 milyan, taasoo Dortmund ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato. Heshiiska wali lama dhammeystirin, balse wada xaajoodka gudaha ayaa socda.
Sancho wuxuu mar kale soo jiitay indhaha taageerayaasha Dortmund inkastoo uusan waxqabad muuqda la iman xilli ciyaareedkii hore.