Itoobiya oo fureysa biyaha webiga Nile.

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u furaysa bisha September, biya xireenka wabiga Nile-ka oo noqonaya xarunta korontada-dhaliye ee ugu weyn Afrika sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya , Abiy Axmed.

Korontada laga dhaliyo biyo xireenkan ayaa lagu wadaa inay ka faa’ideystan dadka ku nool gudaha itoobiya.

Biyo-xireenkan, waxaa muddo dheer ka taagna khilaafka la xiriira walaac ay dalalka Masar iyo Suudaan ka qabaan inuu hoos u dhac ka dhaliyo biyaha wabiga Nile-ka ee ay saddexda dal wadaagaan.

Saddexda dhinac ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa dhowr jeer ku guul dareystay inay gaaran heshiis ku saabsan biyaha webiga Nile kadib kulamo ay yeesheen.