Isticmalka Baraha bulshada oo Saameyn ku yeeshay hab Dhaqanka Dhalinyarada.

0
638

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Isticmaalka baraha bulshada oo sanadihii u dambeeyay siweyn ula falgalay Nolosha da’yarta ayaa saameyno kala duwan ku yeeshay Dhalinta u isticmaasha sida qaldan halka kuwa qaarna uu u noqday mid u sahla in ay si fudud wax uga bartaan sido kalana ay ku soo bandhigaan wax yaabo bulshada faa’iido u leh .

Baraha bulshada ayaa dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah ku keena dadka isticmala Mudada dheer, iyadoo aan loo eegeynin da’dooda ama heerka maskaxdooda.

gabdhaha ayaa ah kuwa ugu badan ee caqabadaha kala kulma baraha bulshada dadka qaar ayaa sawirada iyo muqaalada gabdhaha u isticmaala siyaabo aan wanaagsanayn.

Hadaba Qaar kamid ah gabdhaha ku nool Deegaanka Dhoobley oo an wax ka weydiinay saameynta iyo caqabadaha ay gabdhuhu kala kulman baraha bulshada ayaa sheegay in ay dhibaatoyin kala duwan ay gabdhahu kala kulmaan baraha bulshada taasi oo mararka qaar  Sawiradooda si qaldan lagu baahiyo Intarnetka.

Baraha bulshada ayay siyaabo kala duwan dadku u isticmaalaan iyago qaar uga faa’iideysta dhanka wanagsan halka kuwa qaarna ay ku soo bandhigaan waxyabo ka soo horjeeda hab Dhaqanka Suban.

Xamdi Sugow Lamaane.ayaa warbixntan ku eegeysa