Isra’il oo hor-istaagtay gargaarka bani’aadannimo ee Gaza.

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Israa’iil ayaa qaar ka mid ah bulshada caalamka kala kulantay dhaleecayn ba’an, kaddib marki ay Axaddii shalay joojisay dhammaan sahaydi cuntada iyo dawada ee geleysay Marinka Gaza, isla markaana ka digtay cawaaqib dheeraadka ah, haddii aanan la kordhinin muddada xabbad-joojinta.

Dalalka Masar iyo Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha wadahadallada Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku eedeeyay Israa’il in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, isla markaana ay gaajadu u adeegsanayaan sida hubki oo kale.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay mid laga naxo, isagoo xusay in sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada uu si cad u sheegayo in ay waajib tahay ogolaashaha helitaanka gargaarka.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa iyaduna ku eedaysay Israa’iil in ay gargaarka u adeegsato gorgortan, taas oo ay ku tilmaantay wax aan la aqbali karin iyo wax laga xumaado.

Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa xaqiijiyay qulqulka gargaar bani’aadannimo oo la geeyay Gaza, kaddib 15 bilood oo gaaja iyo duqeyn ah. Jaritaanka gargaarka ee Isra’il ayaa ku soo aadday xilli ay billow tahay bisha barakeysan ee Ramadan.