Israel oo sheegtay in la dilay hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar.

0
57
FILE - Yahya Sinwar chairs a meeting with leaders of Palestinian factions at his office in Gaza City, April 13, 2022. (AP Photo/Adel Hana, File)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Israel ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay Marinka Qaza ku dileen hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar oo dhowaan beddelay hoggamiyihii hore Ismaaciil Haniyah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas oo ku saabsan dilka Sinwar oo xilka la wareegay bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Gaza ka dib markii weerar kale oo ay ku qaadday hoyga Qaramada Midoobay ee waqooyiga Gaza ee Jabalia. ay ku dhinteen ugu yaraan 28 qof oo ay ku jiraan carruur.

Millatariga Isrel ayaa sheegay in dagaalka ay ka wadaan Lubnaa iyo Marinka Gaza looga dilay shan askari,isla markaana looga dhaawacay sagaal kale.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa yiri “dilka Sinwar ma ahan dhammaadka dagaalka Gaza,balse waa uu sii socon doonaa”.

Qaza, ugu yaraan 42,438 qof ayaa lagu dilay,halka la dhaawacay 99,246,waxaana sidoo kale tirada dhimashada Lubnaan ay ku dhowdahay laba kun oo ruux.