Israel oo sarkaal usoo magacowday ciidanka badda Baxrayn.

0
424

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xukuumadda Baxrayn ayaa xaqiijisay in ay run yihiin warar warbaahintu tabinaysay oo ah in sarkaal ka tirsan milatariga Israel si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyadaa Khaliijka ku taal, waxaanu sidaa ku noqonayaa sarkaalkii u horeeyey ee Israeli ah ee si rasmi ah uga shaqo gala dal Carbeed.Wasaaradda arimaha dibadda Baxrayn, ayaa warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladdu Sabtidii ku sheegtay in sarkaalkaa Israeli-ga ah ee ka hawl gali doona dalku ay qayb ka tahay “iskaashiga caalamiga ah ee ujeedadiisu tahay ilaalinta nabadgelyada maraakiibta maraya biyaha gobolka”.

Arintan ayaa daba socota heshiiskii ay wada saxeexdeen Baxarayn, Israel iyo Imaaraadka oo Maraykanku ka shaqeeyey sannadkii 2020 oo ahaa in ay dalalkaasi yeeshaan xidhiidh diblomaasiyadeed.Warbixinta ka soo baxday xukuumadda Baxrayn ayaa lagu sheegay in hawl gelinta sarkaalkaasi xidhiidh la ledahay shaqada isbahaysi caalami ah oo aan la magac dhebin oo ka kooban in ka badan 34 dawladood.

Waxaanay intaa ku dartay in sidoo kale muhiimadda isbahaysgiaas ay ka mid tahay ilaalinta marin biyoodka gobolka ku yaal iyo in la ilaaliyo ganacgsiga aduunka iyo in sidoo kala laga hortago budhcad-badeeda iyo argagixisada.Warkan ayey hore warbaahintu u sii tebisay oo ay sheegtay in Israel sarkaan ka tirsan ciidamadeeda u diri doonto Baxrayn oo looga dhiibi doono xil rasmi ah.

Hase yeeshee, Baxrayn oo wararkaa ka jawaabaysa ayaa shegtay in “wararkaa warbaahinta shisheeyuhu tabisay eek u saabsan in sarkaal Israeli ahi dalkeeda ka hawl gali doonaa tahay arin qayb ka ah qorshaha isbahaysigaa caalamiga ah.”

Hadalkaa arintaa lagu shaaciyey wuxuu soo baxay iyada oo uu isa soo tarayo xidhiidhka milatari e u dhexeeya Israel iyo wadamada Khaliijka oo ah in ay wada jir uga qayb galeen ciidamada Baxrayn iyo Imaaraadku dhoola tus milatari oo ay ka qayb qaadanayeen milatariga Israel iyo maraykanku.Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay.

Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiinay waxaa lagu sheegay”dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin “.