Israel oo duqeysay goobo ay deggan yihiin dadka rayidka ah ee Gaza.

0
85

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-24-kii saac ee la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa madaafiic  waxay ku garaaceen dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Gaza, iyagoo dilay tiro dad ah oo aad u badan.

Ciidamada dhulka Israa’iil  ayaa la sheegay in madaafiic ay ku dumiyeen guryaha la deggan yahay ee koonfurta magaalada Rafah,sida au ku waramay Wariyaha Al Jazeera ee Gaza.

“Meydadka dad badan oo ay ku jiraan  carruur ayaa la la’yahay .iyagoo weli ku aasan burburka hoostiisa,sidaa waxaa  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay ku xigeenka madaxa UNICEF.

Wasiirka Difaaca Israel Yoav Gallant ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray wadahadaladii ka dhacay Washington,isla markaana la xoojiyay taageerada Mareykanka ee xagga sahayda hubka la siinayo Israel .

“Waa wax aan loo dulqaadan Karin waxa dhacay , ayuu yiri Khaled Shakshir oo kamid ah shaqaalaha Isbitaalka Al-Aqsa ee Deir el-Balah,isagoo intaa raaciyay in ay burbureen qalabkii cisbitaalkaasi oo ay ku jiraan mashiinnada suuxinta.

Ugu yaraan 37,718 qof ayaa la dilay, 86,377 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.