Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Militeriga Israel ayaa ku daadiyay Gaza waraaqo dadka loogu sheegayo in ay ka baxaan ayna aadaan dhinaca bartamaha magaalada.
Waa markii labaad oo dadka loo sheego in ay ka baxaan magaalada ilaa markii uu dagaalka bilwoday. Waraaqaha la daadiyay ayaa dadka looga digay in ay magaalada noqoneyso goob dagaal. Waxaa lagu qiyaasay dad ka badan rubuc milyan in ay weli halkaas ku nool yihiin.
Waraaqaha la daadiyay ayaa ku soo aaday iyadoo wadahadalo aan toos aheynay ku lug leeyihiin Mareykanka, Isreal, Qatar iyo Masar ay dib u bilowdeen.
Rajo weyn ayaa laga qabaa in xabad joojin laga hadlo iyo siideynta maxaabiista ay Xamas haysato kaddib markii ay Xamaas isaga hareen dalabkooda xabadjoojin rasmi ah.
Dhanka kale, wasiirka difaaca Isreal Yoav Galant ayaa u sheegay baarlamaanka Israel in ay u suuragashay in ay burburiyaan 60 boqolkiiba difaacii Xamaas, waxa uuna sheegay ujeedka inuu yahay in la burburiyo dhammaan xubnaha Xamaas