Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay aqoonsadeen cutub ka tirsan ururka Xisbullah oo soo saara kumannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo maalgelin ka helaya Iran, sida lagu sheegay bayaan.
Duqeymahan oo dhacay bilaabashada Ciidul Adxaa ayaa waxaa ka horeeyay digniino ay Israa’iil u jeedisay dhowr magaalo oo ku yaalla duleedka koonfureed ee Beyruut.
Afhayeenka milatariga Israa’iil ayaa ugu baaqay dadka deggan xaafadaha Hadath, Haret Hreik, iyo Burj al-Barajneh in ay ka guuraan guryahooda oo ay ugu yaraan 300 mitir ka fogaadaan dhismayaasha la beegsaday.
Digniintan Israa’iil ayaa argagax ka dhaliyay xaafadaha koonfurta ku taalla, kaasoo ay ka dhaceen barakac ballaaran, sida uu sheegay xafiiska BBC-da ee Beirut.
Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay ugu yaraan laba iyo toban weerar oo xagga cirka ah, oo laba ka mid ah ay ahaayeen “kuwa aad u xooggan,” oo lala beegsaday dhismo ku yaalla degaanka Ain Qana ee duleedka koonfureed ee Beirut.
Warbixin kale oo ay soo saareen ciidamada ayaa lagu xaqiijiyay in ay bartilmaameedsadeen “goobaha dhulka hoostiisa ah ee lagu sameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo si ula kac ah loogu dhex qotay dadka rayidka ah” ee ku nool xaafadaha koonfurta, iyagoo xusay in Xisbullaah ay ka shaqaynayso “kordhinta wax soo saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka ,
Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa khamiistii dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay Israa’iil “xadgudub bareer ah” ee heshiiska xabbad joojinta, isagoo jeediyay”cambaarayn xooggan oo ku saabsan gardarrada Israa’iil”, wuxuuna carrabka ku adkeeyay ” in xadgudubkan qaawan ee heshiis caalami ah, iyo sidoo kale mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada caalamiga ah iyo tan bini’aadantinimada aaney ahayn arrin loo dul qaadan karo.