Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciwaanka wargeyska maalinlaha ah ee xorta ah ee Israa’iil Ha’aretz ee todobaadkan ayaa si adag u dhigay: “Tsunami dublamaasiyadeed ayaa soo dhow,” ayuu ka digay, “iyada oo Yurub ay bilaabayso inay ka hortagto ‘waallida buuxda’ ee Israa’iil ee Qasa.”
Weerarkii dublamaasiyadeed ee toddobaadkan waxa uu yeeshay wajiyo badan, oo aan dhammaantood hore loo sii saadaalin.
Laga soo bilaabo cambaareynta wadajirka ah ee caalamiga ah ee ficillada Israa’iil ee Qasa, ilaa dilkii naxdinta lahaa ee lagu dilay laba dhallinyaro ah oo ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda Israa;iil ee Washington, tani, haddii aan si fudud u dhigno, waxay dowladda Yahuudda u ahayd toddobaad qallafsan.
Mowjadaha ayaa caga-dhigtay xeebaha Israa’iil fiidnimadii Isniinta, markii Britain, Faransiiskaiyo Canada ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku cambaareynayaan ficillada “xun” ee Qasa.
Saddexduba waxay ka digeen suurtagalnimada “ficillada kale ee la taaban karo” haddii Israa’iil ay sii waddo weerarkeeda millatari ee soo cusboonaaday oo ay ku guuldareysato inay qaaddo xayiraadaha gargaarka bini’aadannimo.