Israa’iil oo loogu baaqay in ay furto marinka Rafah

0
79

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa isa soo taraya baaqyada loo diraya Israa’iil ee ah in ay furto marinka looga gudbo Magaalada Koonfureed ee dalka Falastiin ee Rafah.
Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa sheegay in duullaan buuxa oo ay Israa’iil ku qaado Rafah uu noqonaya qalad wayn oo istaraatiijiyadeed , dhibaato siyaasadeed iyo caqabad baniaadannimo.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabada ay ciidamada Israa’iil kula wareegeen oo ay ku xireen marinka Rafah ay culeys dheeraad ah ku keenaysa shacabka Magaaladaasi ku go’doonsan ee u baahan gargaarka cunno iyo caafimaad.

Waxaa uu ka digay in dunida ay ku soo fool-leedahay musiibo baniaadannimo.
Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dhankeeda sheegtay in maadaama ay maamullada Israa’iil maalin kasta sii xannibayaan gargaarka in Falastiiniyiin dheeraad ah ay halis ugu jiraan in ay dhintaan.

Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,789 qof halka la dhaawacay 78,204 kale.