Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada Israa’iil ayaa hor istaagtay koox miigganeyaal caalami ah oo doonayey in ay jabiyaan go’doominta lagu hayo marinka Qasa.
Kooxdan oo la magac baxay Gaashaanbuurta doonleyda Isku-bahaystay Xorriyadda, ayaa sheegay in ciidammada Israa’iil ay la wareegeen doonni siddey sahay gargaar oo ku sii jeeddey Marinka Qasa, si ay jebinaya go’doonka cirka, dhulka iyo badda ah ee Israa’iil saartay.
Waxay sidoo kale soo dhigeen sawir muujinaya dad xidhan jaakadaha badbaadada oo gacmahooda kor u taagaya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in doontu si nabad ah ugu soo wajahan tahay xeebaha Israa’iil, ayna filayaan in rakaabku dib ugu laabtaan dalalkooda.
Rakaabka saaran doonta waxaa ka mid ah muwaadiniin u dhashay Brazil, Faransiiska, Jarmalka, Netherlands, Isbayn, Iswiidhan, iyo Turkiga.