Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay hawlgal militari oo ballaaran ka bilowday waqooyiga fog ee marinka Qaza.
Wasaaradda caafimaadka ee ay kooxda Xamaas maamusho, ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo labaatan qof la dilay.
Falastiiniyiinta ayaa sheegay, in ciidamada Israa’iil ay cirka, dhulka iyo baddaba ka weerareen magaalada Beit Lahiaoo isla Qasa ka tirsan.
Israa’iil ayaa ballan qaaday in ay qaadi doonto weerar millatari oo ballaaran ayna la wareegeyso dhammaan Qasa, haddii uusan jirin heshiis nabadeed oo cusub oo ay la galaan kooxda Xamaas, inta uusan soo dhamaan safarka madaxweyne Trump ee gobolka.
Maamulka Trump ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta Qasa, halkaas oo Khamiistii lagu dilay in ka badan boqol Falastiiniyiin ah.