Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay isbitaalka Al Cali ee waqooyiga magaalada Qaza, iyadoo dhaqaatiirtu ay ku mashquulsanaayeen daad gureynta dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawaca ah.
Weerarka ayaa yimid kadib markii militariga Israa’iil ay soo saareen amaro cusub oo barakicin ah oo loogu talagalay dadka deggan xerada qaxootiga ee bartamaha Nuseirat iyo sidoo kale koonfurta Khan Younis.
Dhanka kale wafdi ka socda Xamaas ayaa magaalada Qaahira u jooga wadahadalo nabadeed oo ay martigelinayaan dhexdhexaadiyeyaasha Masar.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 50,912 qof lagu dilay dagaalka Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii halka lagu dhaawacay 115,981 kale oo Falastiniyiin ah.
Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda Qaza ayaa tiradan u cusbooneysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.