Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay diiday dalab cusub oo ka yimid Xamas oo ku saabsanaa heshiis dhammaystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza laguna sii daynayo dhammaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee la haysto ama ku jira gacanta Xamaas.
Xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil ayaa ku tilmaamay in heshiiskaas “aanu wax cusub ku jirin”.
Xamas ayaa sheegtay in la sii dayn karo dadka la haysto iyadoo lagu beddelayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, wax yar ka dib markii madaxweyne Trump uu ku boorriyay kooxda in ay “si deg deg ah u soo celiso” labaatan qof oo la rumeysan yahay in ay weli nool yihiin.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa kordhisay weeraradeeda militariga ee magaalada Gaza.
Isbitaallada ayaa sheegay in ugu yaraan afartan iyo lix qof lagu dilay duqeymo Arbacadii.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aysan jirin meel ammaan ah oo ay aadaan.