Israa’iil oo aan caddeyn eedeymo ka dhan ahaa UNRWA

0
92

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa lagu ogaaday in Israa’iil aynan wax caddeymo ah u hayn eedeymo ay horay ugu jeedisay shaqaalaha hay’addan.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxii sirdoonka militariga Israa’iil Major General Aharon Haliva uu is casilay ka dib markii lagu guul dareystay ka hor tagga weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.

Dhanka kale wakaaladda difaaca rayidka Falastiin ayaa sheegaysa in ay 283 meydad ah ay ka soo saartay xabaal wadareedyo lagu arkay isbitaalka Nasser Hospital ee magaalada Khan Younis.

Tani iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,151 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 77,084 kale.