Iskuulka Deegaanka Lugloow ee Waqooyiga Kismaayo oo fasallo cusub loo dhisayo.

0
99
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dugsiga Hoose Dhexe ee deegaanka Luglow ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu darayaa dhisma cusub oo lagu kordhinayo fasalada iskuulka ‘dhismahaas oo ay iska kaashanayaan Hay’adda IOM iyo dadka Deegaanka.
Xildhibaan Aaden Xareed oo ka mid ah Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa kormeer ku tagay Iskulka hoose dhexe ee Deegaanka Luglow ee uu  dhismuhu ka socdo isagoona sheegay in dhismaha qaybta cusub ee Iskuulka lagu soo kordhiyay ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaana waxaa uuna bulshada ku nool Deegaanka Luglow uu ugu baaqay inay ilaashadan dhismahayaash Muhiimka u ah bulshada ee uu Iskuulku ka mid yahay.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa fah-faahineysa