Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ee Dhoobley oo kawarbixiyay xaalada Dadka danyarta

0
80

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland ee Degmada Dhoobley oo Wareysi siiyay Idaacadda Sanguuni ayaa kawarbixiyay sida ay Roobabku u saameeyeen Degmada Dhoobley si gaar ah Dadka Barakacayaasha oo uu Sheegay in ay ku sugan yihiin xaalad adag.

Cabdimaalik Budul Muxumed Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland ee Degmada Dhoobley ayaa sido kale Sheegay in dadaal xoggan ay muujiyeen iyago kaashanaya Hay’adaha ka howlgala Degmada islamarkaana ay ka war qabaan Guud ahaan xaalada Dadka danyarta direena fariimo kala duwan oo ah sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa waxaa kale oo iskuduwaha Sheegay in ay xanuunka la qeybsanayaan Dadka ku nool Gobalka Gedo oo wajahaya xaalad aad u adag oo ka dhalatay Daadadka Roobabka iyo sido kale Fatahaada Wabiga Jubba.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya