Iskaashiga Bangiga Dhexe iyo W/Qorsheynta oo laga hadlay

0
217

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyada oo laga duulayo dadaaalkada socda ee lagu xoojinayo xiriirka Wasaaradda ay la leedahay Hay’adda kala duwan ee dowladda fedraalka labada heer iyo Bah-wadaagta Soomaaliya, ayaa maanta Agaasimaha Guud Mudane Asad Yuusuf xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha fulinta Bangigga dhexe Soomaaliya Mudane Dr Cabdullaahi Cali.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sida looga gudbi karo caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu kordhinayo wada shaqaynta haatan jirta ee ka dhaxaysa labada Hay’ad ee dowliga ah, si loo xaqiijiyo natiijooyin la taaban karo oo muhiim u ah dalka.

Sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Mudane Muuse Maxamed Cusmaan iyo Agaasimaha Qorsheynta iyo Siyaasada ee Bangigga dhexe Soomaaliya Mahdi Daa’uud.