Isbitaalka Xaafadda Madiina ee Magaalada Kismaayo oo ay soo wajahday Daawo yari.

0
204

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dadka deggan Xaafada Madiina ee magaalada Kismaayo oo ay deganyihiin dadka dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya iyo kuwa gudaha dalka ku barakacay ayaa sheegay in ay soo wajaheen caqabado dhowr ah,oo ka mid tahay Isbitaalka Xaafada oo ay daawo ari ka jirto ,Suuq la,aan heysato Xaafadda,iyo wadada oo bacaad awgiis u xirantay.

Khadra Bashiir Axmad oo kamid ah Howlwadeenada Isbitaalka xaafada ayaa sheegtay in Isbitaalka uu shaqeeyo balse adeegyada uu bixiyo ay ku yaryihiin dadka dagan waaxda Madina ee xaafada shaqaalaha.
Xuseen Daa’uud oo ah Gudoomiyaha waaxda madina ee xaafada shaqaalaha ayaa dhankiisa ka hadlay baahida xaafadan iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin in laga caawiyo.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya.