Isbitaalka Rafiki Ee Deegaanka Dhoobley oo tababar la xidhiidha Cilmiga Caafimaadka uu fidiyay Qaar kamid ah dhalinyarada Deegaanka.

0
485

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada baranaya cilmiga caafimaadka ee ku nool magaalada dhoobley ayaa tababaro u tagaa xarumaha caafimaad ee ku yaala deegaanka dhoobley taasoo sababtay in dhalinyaro badan oo baranaysa cilmiga caafimaadka ay kalkaaliyaal ka noqdaan xarumaha caafimaadka ee kuu yaala deegaanka dhoobley si ay uga mira dhaliyaan barashadooda cilmiga caafimaadka ugana baahi tiraan bulshada dhanka caafimaadka.

Qaar kamid ah dhalinyarada baranaysa cilmiga caafimaadka islamarkaana tababaro ku qaata xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada dhoobley ayaa ka warbixiyay barashada cilmiga caafimaadka iyo heerka ay hada ka marayaan.

Dhanka kale Dr Abdinasir Bashiir Shide oo ah iskuduwaha isbitaalka rafiki oo la hadlay warbaahinta sanguuni ayaa sheegay in dhalinyaro badan oo baratay cilmiga caafimaadka ay tababaro ku qaataan isbitaalka rafiki iyo xarumaha caafimaad ee kale ee deegaanka.
Waxuuna ka warbixiyay sida ay tabarka u siiyaan ardayda iyo sida ay ku xushaan.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya