Isbitaalka Rafiiki ee Deegaanka Dhoobley oo adegyo Cusub soo Kordhiyey.

0
247

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka Rafiiki waxaa uu kamid yahay Isbitaalada ku yaala Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Isbitaalkan ayaa aas-aasan mudo 5 sano ah wuxuuna daboolay baahiyo badano caafimaad oo ka jiray deegaanka oo ay kamid tahay qaliimada waawayn iyo sido kale Raajada.

Isbitaalkan ayaa intuu aas-aasnaa bulshada ka haqab tiray adeegyo badano oo caafimaad kuwaasi oo horay bulshada Deegaanku ugu aadi jireen meel Deegaanka Ka baxsan  Isbitaalka ayaa hada lagu soo kordhiyay qeebta Ilkaha lagu daweeyo oo uuna horay Isbitaalku u laheeyn.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixitan inoga diyaariyay