Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cudurada ka dilaacaya abaarta waa kuwa bulshada ay la dhibaataysan yihiin,dhaqaatiirta ka hawlgasha isbitaalka guud ee deegaanka dhoobley ayaa sheegay in isbitaalka jiifaan bukaan aad u tira badan kuwaas oo u jiifa xanuuno kala duwan qaarkood waxay jiifaan qaybta karaltiilka shubanka waana kuwa isasoo taraya malinba maalinta ka danbaysa
Dhinaca kale isbitaalaka waxaa ka jira dawa yaraan maadama ay isbitaalka ku tiirsan yihiin deegaamo aad u dirabadan.Agaasimaha guud ee isbitaalka deegaanka dhoobley maxamed xasan ayaa sidokale sheegay in isbitaalka ay soo wajahday daawo yari kadib markii deegaanka ay ku soo barakeceen dadkii ay saameysay abaartii kajirtay dalka.
Agaasime maxamed xasan ayaa ka digay xanuunada kala duwan ee isi soo taraya, dhinaca kale dhakhtarka u qaabilsan qalinka isbitaalka guud ee deegaanka dhoobley ayaa sheegay in ay qaybta hooyada iyo dhalaanka ay hada ka fiicantahay wakhtigii hore walow aan lagaadhin meeshii la rabay.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya