Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka daryeel ee Magaalada Kismaayo ayaa si rasmi ah u bilaabay indhoo fiiqiis lacag la’aan ah kuwas oo looga fa’ideynayeey qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Qaliinkan lacag la’aanta ah ee ka bilaawday Isbitaalka daryeel ee Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu socdeey labo maalin waxana ila iyo hada indho fiiqis loo sameyeey dad gaaraya ila iyo dhowr iyo labaatan qof oo iskugu jiira Rag iyo Dumar.
qaar kamid ah dadkii indhaha loo fiiqey oo la hadaley warbahiinta ayaa kawaramey dareenkooda sido kalena u mahadceliyeey mamuulka Isbitaalka daryeel iyo dhaqatiirtii u sameyseey daweenta.
dhaqtar Cabdi Salaan Cabdullaahi Macruuf oo ah dhaqtar ku taqasusey Qalinka indhaha iyo daweentooda ayaa isna kawaramey howsha indho fiiqista ah sido kaleyna kula dardaarmey bulshada ku nool Kismaayo iyo nawaxiigeda in ay ka faa’iideystan indho fiiqistan lacag la’aanta ah.
ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Isbitaalada daryeel ee Magalada Kismaayo Dr Axmed Maxamed Xuseen Ciro ayaa kawarbixiyey howsha qaliinada iyo waxqabadaka Isbitaalada daryeel.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarbixineysa