Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaaray min 13 kulan, waxaana hoggaanka ku naalloonaysa Arsenal oo kali ku noqotay usbuucii hore, iyadoo toddobaadkanna markii labaad la dheeli doono oo loo diiday ciyaartoydu inay wax nasasho ah helaan.
Arsenal ayaa ka faa’iidaysatay saddex ciyaarood oo isku xigay oo ay Manchester City dhibco lumisay, waxaana ay hadda haystaan 33 dhibcood iyadoo Liverpool soo cidhiidhsatay kaalinta labaad oo ay laba dhibcood ka hoosayso Arsenal.
Manchester City ayaa dhibaatoonaysay kulamadii ugu dambeeyey, waxaanay barbarro gashay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay Tottenham, Liverpool iyo Chelsea dhibco ku lumisay, waxaanay saddex dhibcood ka dambeeyaan Arsenal iyagoo 30 dhibcood haysta.
Ka hor kulamada horyaalka Premier League ee usbuuc-dhamaadkan, waxa aanu idiin soo gudbinaynaa lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo aaddan kooxaha figta sare ku dagaallamaya, waxaana qiimaynta kooxaha dhibaatada badan mari doona aanu u dhaafi doonaa adiga warkan akhrisanaya, waxaanad qiimayntaada nagula wadaagtaa halka hoose ee farriinta dadweynaha.
Labada kooxood ee ugu sarreeya miiska kala-sarraynta ee Arsenal iyo Liverpool ay is-arki doona saddex ciyaarood kaddib, waxaana halkaas fursad ka dhax raadsan doonta Manchester City si ay u dhaafo, halka City ay sugayso Newcastle ciyaarta lixaad.
Halkan kaga bogo min lixda ciyaarood ee Premier League ee ugu soo horreeya kooxaha safka hore
1. Arsenal (33 dhibcood)
Luton Town (Marti)- December 5
Aston Villa (Marti)- December 9
Brighton (Minan) – December 17
Liverpool (Marti)- December 23
West Ham (Minan) – December 28
Fulham (Marti)- December 31
2. Liverpool (31Dhibcood)
Sheffield United (Marti)- December 6
Crystal Palace (Marti)- December 9
Manchester United (Minan) – December 17
Arsenal (Minan) – December 23
Burnley (Marti)- December 23
Newcastle – January 1 (H):
3. Manchester City (30 dhibcood)
Aston Villa (Marti)- December 6
Luton Town (Marti)- December 10
Crystal Palace (Minan) – December 16
Everton (Marti)- December 27
Sheffield United (Minan) – December 30
Newcastle (Marti)- January 13
4. Aston Villa (29 dhibcood)
Man City (Minan) – December 6
Arsenal (Minan) – December 9
Brentford (Marti)- December 17
Sheffield United (Minan) – December 22
Manchester United (Marti)- December 26
Burnley (Minan) – December 30
5. Tottenham (27 dhibcood)
West Ham (Minan) – Thursday, December 7
Newcastle (Minan) – Sunday, December 10
Nottingham Forest (Marti)- December 15
Everton (Minan) – December 23
Brighton (Marti) – December 28
Bournemoth (Minan) – December 31
6. Newcastle (26 dhibcood)
Everton (Marti)- December 7
Tottenham Hotspur (Marti)- December 10
Fulham (H)- December 16
Luton Town (Marti)- December 23
Nottingham Forest (Minan) – December 26
Liverpool (Marti)- January 1.