Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lixda ciyaarood ee kusoo aaddan kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa isbarbar-dhig lagu sameeyey kaddib guushii ciyaartoodii koowaad ee El Clasico ee horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan, taas oo ay Real Madrid ku badisay 2-1.
Jude Bellingham ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay qaybtii labaad, waxaana uu meesha ka saaray gool uu waqti hore Ilkay Gundogan u dhaliyey Barcelona.
Real Madrid waxay ciyaarta koowaad garoonka Santiago Beranbeu kusoo hdoweyn doontaa Rayo Vallecano, waana ciyaar haddii ay guul keenaan ay hoggaanka horyaalka LaLiga isku sii ballaadhin doonaan. Waxa sidoo kale xigi doonta Sporting Braga oo ay isla hoygooda Santiago Bernabeu ku qaabbili doonaan, taas oo haddii ay guuleystaan ay awoodi doonaan in ay usoo baxaan wareegga 16ka Champions League.
Saddexda ciyaarood ee xiga oo laba ay horyaalka yihiin midna Champions League ayay Los Blancos hal mar oo kaliya marti noqon doontaa, taas oo ka dhigan in lixda ciyaarood ee soo socda ay afar ka mid ah ku ciyaari doonaan garoonka Santiago Bernabeu.
Barcelona waxa dhinaceeda ay ciyaarteeda koowaad ee soo socda marti u noqon doontaa Real Sociedad oo waqti fiican ku jirta, sidoo kalena Shakhtar Donetski ayay booqan doontaa ka hor inta aanay Deportivo Alvaves kusoo dhoweynin hoygooga caawa guul-darrada loogu xambaariyey.
Saddexda ciyaarood ee xiga, ayaa waxa ku jirta Atletico Madrid oo marti u noqon doonta, taas oo ah ciyaarta ugu adaga ee kusoo aaddan.
Kulamada Real Madrid
05/11/23 – 20:00 – Real Madrid vs Rayo Vallecano – La Liga
08/11/23 – 20:00 – Real Madrid vs Braga – Champions League
11/11/23 – 20:00 – Real Madrid vs Valencia – La Liga
26/11/23 – 17:30 – Cadiz vs Real Madrid – La Liga
29/11/23 – 20:00 – Real Madrid vs Napoli – Champions League
03/12/23 – Real Madrid vs Granada – La Liga
Kulamada Barcelona
04/11/23 – 20:00 – Real Sociedad vs Barcelona – La Liga
07/11/23 – 17:45 – Shakhtar Donetsk vs Barcelona – Champions League
12/11/23 – 15:15 – Barcelona vs Alaves – La Liga
25/11/23 – 13:00 – Rayo Vallecano vs Barcelona – La Liga
28/11/23 – 20:00 – Barcelona vs Porto – Champions League
03/12/23 – Barcelona vs Atletico Madrid – La Liga