Isbadal lagu sameeyay qaabka loo baaro dadka ka dagaya garoomada Mareykanka.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Garoomada diyaaradaha ee Maraykanku uma baahnaan doonaan rakaabku inay kabaha iska siibaan inta lagu jiro baaritaanada amniga ee ay fuliso Maamulka Amniga Gaadiidka – taasoo meesha ka saaraysa nidaamkii ay dadka badan ka soo horjeedeen labaatan sano kadib.

Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa sheegtay in isbeddelku uu si dhakhso ah uga dhaqan galayo garoomada diyaaradaha ee Maraykanka, in kasta oo hannaan baariseed “kala duwan” uu sii jiri doono.

Rakaabku ayaa waxaa wali laga doonayaa in ay iska bixiyaan suunka iyo jaakadaha islamarkana boorsooyiinka laga saaro laptop-yada iyo walxaha dareeraha ah, laakiin sharciyadaas sidoo kale dib ayaa loo eegi doonaa, sida ay sheegtay Xoghayaha Amniga Gudaha.

Shuruudda ah in rakaabka diyaaraduhu ay kabaha iska siibaan si ay baaritaanno ay u maraan aya ka jiray dalka oo dhan tan iyo 2006-dii ka dib markii nin British ah uu bam ku dhex qariyay mid ka mid ah kabihiisa duulimaad ka yimid Miami.

Noem ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheegtay Talaadadii: “Tignoolajiyada amnigeena si weyn ayay isu bedeshay, way horumartay, TSA-na way isbedeshay.