Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wakaalada Wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay, in Iran ay daldashay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israel.
Wakaalada Mizan ayaa sheegtay, in sidoo kale lagu helay dambi ah, in ay isku dayeen in ay dalka soo galiyaan qalab si ay “u fuliyaan dilal qorsheysan”.
Mizan ayaa magacowday Ali, Azad Shojai iyo Rasoul Ahmad Rasuul loo xiray inay isku dayayeen in ay “iskaashi wada shaqeyn ah” la galeen Israa’iil.
Iran ayaa sidoo kale xirtay 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayeen Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka 12-ka maalmood socday, sida ay sheegtay warbaahinta gacan saarka la leh dowladda ee Nour News.