Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iran ayaa sheegtay inay doonayso dammaanad ah in cunaqabataynta lagu soo rogay laga qaado, iyadoo ay sii wadayaan wada-hadallada Maraykanka ee ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in uusan wali arag wax isbedel ah oo ku yimid mowqifka Washington ee cunaqabateynta.
Sabtidii, Maraykanku waxa uu sheegay in uu Tehraan u diray hindise ku saabsan heshiis nukliyeer ah (si wax loogu beddelo kii uu madaxweyne Trump ka tagay muddadii xileedkiisii ugu horraysay ee uu xafiiska joogay).
Isla maalintaas, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka ayaa daabacday warbixin ay ku sheegtay in Iran ay xoojisay wax soo saarka Yuraaniyaamka aadka loo tayeeyay. Tehran ayaa marar badan beenisay in ay samaynayso hub nukliyeer ah.