Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tallaabadan oo aan cidna aysan maskaxdeeda ku soo dhacdeen saddex sano ka hor, ayaa ciidammada badda ee dalalka Khaliijka waxay bilaabeen dhoolatus milateri oo wadajir ah, taasoo ah tii ugu horreysay ee ay abid la sameeyaan dhiggooda Israa’iil, iyagoo kaashanaya ciidammada badda ee Mareykanka.
Dhoolatuskan oo muddo shan maalmood ah ka socday Badda Cas ayaa waxaa ka qeyb qaatay maraakiib dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Israa’iil iyo Mareykanka.
Wuxuu bilaabmay dhoolatuskan wadajirka ah Arbacadii la soo dhaafay waxaana ka mid waxyaabaha lagu soo bandhigay maraakiibta oo lagu fuulo si degdeg ah, baaridda iyo qabsashada maraakiibta.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Badda Mareykanka ayaa sheegay in tababarka uu “kor u qaadayo wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada ka qeyb galaya dhoolatuskan”.
Dhoolatuskan militari wuxuu daba socdaa saxiixii heshiiskii Abraham ee la gaaray Sebtember 2020, kaas oo Imaaraadka iyo Bahrain ay caadiyeeyeen xiriirka Israa’iil.
Wixii markaas ka dambeeyay waxaa is-weydaarsaday xiriir diblomaasiyadeed, mid milateri iyo mid sirdoon Israa’iil iyo dalalkaas Khaliijka, iyadoo dhammaan dhinacyadan ay wadaagaan walaacooda ku aaddan dhaqdhaqaaqyada Iiraan.
Madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa booqasho guud ku tagay dalka Baxrayn, waxaana bishii October uu taliyaha ciidamada cirka ee Imaaraatka uu booqasho noocaan oo kale ah ku tagay Israa’iil.
Iran oo dhawaan ku dhawaaqday dhoolatus ay ciidamadeeda badda ka sameynayaan bariga marin biyoodka Hormuz ayaa si weyn uga carootay joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo kuwa kale ee reer galbeedka gobolka Khaliijka.Walaaca ay ka qaban Israa’iil iyo dalalka Khaliijka Carabta ee Iran ayaa sii kordheyay muddooyiinkii u dambeeyay gaar ahaan barnaamijkeeda Nukliyeerka.Walaaca ayaa sii kordhay ka dib markii Mareykanka iyo Iran ay ka baxeen ballanqaadyadii ku jiray heshiiskii Nukliyeerka ee 2015.Israa’iil ayaa ka shakisan in Iran ay ka shaqeyneyso dhismaha madaxyada nukliyeerka, taas oo Iran ay marar badan beenisay.Sacuudiga ayaa taariikh ahaan ka mid ahaa dalalka sida aadka ah u cambaareya dhaq dhaqaaqyada Iran ee Bariga Dhexe, gaar ahaan tan iyo markii dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Al Sacuud uu noqday wasiirka gaashaandhigga sanadkii 2015-kii.