Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Ingiriiska ayaa qorsheyneysa inay xaddido codsiyada fiisaha ee laga soo dalbado waddamada muwaadiniintooda loo badiyo in markay muddo joogaan dalka magangelyo dalbado.
Qorshahan ayaa saameyn ku yeelan doonaa muwaadiniinta ka yimaada dalalka Pakistan, Nigeria iyo Sri Lanka, kuwaas oo ay ku adkaan doonto inay UK u aadaan shaqo ama waxbarasho.
Dadka dhaliila dowladda Ingiriiska ayaa ku doodaya in qorsheyaashan u noqon karo mid lagu takoorayo waddamada qaar isla markaana uu wajihi karo caqabado sharciyeed.
Xisbiga talada haya ee Labour-ka ayaa wajahayay cadaadis ku aadan in uu wax ka beddelo