In ka badan 50 ruux oo ku dhintay dab saameeyay keyn ku taalla Chile.

0
122

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 51 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib dab ka kacay keyn ku taalla bartamaha dalka Chile.Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay sii kororto.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qiiqa dabka uu hawada isku shareeray qaybo badan oo ka mid ah gobolka Valparaiso waxaana la tacaalaya kumanaan ka mid ah saraakiisha waaxda dab damiska oo adeegsanaya diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo baabuur si xaaladda loola tacaalo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Chile Carolina Toha ayaa laga soo xigtay in dalkaasi uu wajahayo musiibadii ugu darnayd tan iyo sanadkii 2010-kii xilligaasi oo ay dhulgariir ku dhinteen 500 oo qof.

Madaxweynaha dalka Chile Gabriel Boric oo khudbad qaran jeediyay ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u adag tahay.