In ka badan 30 qof oo dalka Congo ugu geeriyooday cudurka Ebola.

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Khamiistii sheegtay in 48 xaaladood oo Ebola ah laga xaqiijiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayna dhinteen 31 qof.

“Waxaa laga joogaa laba toddobaad markii ay dawladda DRC ku dhawaaqday cudurka Ebola… Ilaa hadda, 48 xaaladood ayaa la xaqiijiyay…, waxaana dhintay 31 qof,” ayuu yiri madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus isagoo warfidiyeennada kula hadlay muuqaal xarunta WHO ee Geneva.

Kiisaska cudurka, oo ah kuwii ugu horreeyay ee dalka lagu arko muddo saddex sano ah, ayaa lagu dhawaaqay horraantii bishaan Sebtembar.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa Axaddii sheegtay inay bilowday tallaalka shaqaalaha caafimaadka ee safka hore iyo kuwa xiriirka la sameeyay dadka uu ku dhacay fayraska Ebola ee gobolka Kasai ee Congo, halkaas oo laga shaaciyay cudurka.

WHO ayaa sheegtay in 400 ee talaal ee ugu horreeyey talaalka Ebola ee Ervebo, oo ka mid ah 2,000 oo talaal oo keyd ah la geeyay Bulape, oo ah halka uu ka dillaacay cudurku