Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 17 qof oo ka mid ah bulshada laga tirada badan yahay dalka Myanmar ee Rohingya oo ay carruur ku jiraan ay dhinteen ka dib markii dooni ay la qallibmatay.
Dhacdadan oo laga soo tabiyay xeebta Myanmar ayaa loo aaneeyay cimillad xumo ku timaaday Doon ay saarnaayeen dadkaasi oo sidday ugu yaraan 90 qof oo ku wajahnayd dalka Malaysia, waxayna degtay xilli ay maraysay aagga Bay of Bengal oo xiga waqooyi bariga badweynta India sida ay ku warrantay idaacadda Radio Free Asia.
Qaramada midoobay ayaa warbixinteedii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ku sheegtay in 2,413 qof oo sanadkii 2022 ku safray badda 218 ka mid ah ay dhinteen ama la waayay.