Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Howlgal caalami ah oo lagu soo qabqabnayo dadka wax tahriibiya ayaa keenay soo xiritaanka in ka badan 150 qof iyo aqoonsiga in ka badan 1,000 oo dhibanayaal ah.
Howlgalka lixda maalmood ayaa bilowday 6da Juun, iyada oo ay ka qayb qaateen ku dhowaad 15,000 oo saraakiil ah oo isaga kala yimid 43 dal oo guud ahaan Yurub, Aasiya, Afrika iyo Koonfurta Maraykanka.
Waxaa lagu beegsaday burcada dambiilayaasha abaabulan ee ka qaybqaabtay tahriibinta dadka- dhibaataynta galmo ee da’yarta, ku khasbidda dambiyada iyo tuugsi, sida ay sheegtay Europol.
Kuwa ugu badan ee tahriibinta dhibanayaasha galmada da’yarta ayaa ah haween.