In ka badan 13 qof oo ku dhintay doon ku degtay Yemen

0
14

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof ay dhinteen ka dib markii doon ay dadkan saarnaayeen ay ku degtay Xeebta dalka Yemen, Waxaa la la’yahay 14 ruux oo kale.

Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Taiz ee Koonfurta Galbeed ee waddanka Yemen.

Doonta oo ka soo ambabaxday dalka Jabuuti ayaa sidday 25 qof oo u dhashay Itoobiya iyo 2 ka soo jeeday Yemen Waxay ku qallibmatay meel u dhow degmada Dubab.

IOM ayaa bayaankeeda ku sheegtay in dadka la xaqiijiyey in ay dhinteen ay isugu jiraan 11 rag iyo labo haween ah waxaana weli socdo howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya shakhsiyaadkan aan weli la arag.

Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in ilaa iyo hadda aynan caddeyn sababta keentay in doontu ay degto.