Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo maanta Lasoo Gabagabeeyay

0
175

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee Dugsiyada Degmada afmadow ee gobolka jubada hoose iyadoona ay ka qeyb galeen 76 arday.

Ardayda uu maanta u dhamaaday Imtixaanka qaran oo aan waraysi la yelanay ayaan Waydinay Darenkooda Sida uu Yahay iyo natiijada ay rajaynayaan.

Dhanka kale Qaar kamid ah wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay howla shaqo u joogay deegaanka Dhooblay ayaa ka qayb galay gabagabada imtixaanka qaran ee fasalka 12-aad oo maanta lagu soo afmeeray deegaanka Dhooblay ee gobolka jubbada hoose

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Maxamed Cabdi Oogle, wasiirka howlaha guud dib u dhiska iyo guriyeynta Jubbaland ENG Ismaaciil Axmed Garas Iyo wasiirka Tamarta iyo khayraadka biyaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Xuseen Baraki Ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo afmeerayay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo maalmahan ka socday deegaanka Dhooblay ee gobolka jubbada hoose.

Masuuliyiinta ayaana ardaydii imtixaanka dhameysay kula dardaarmay in aynan hakinin geediga waxbarasho ee ay ku jiraan.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa