Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo laga daahfuray Degmada Dhoobley.

0
57

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Maanta si rasmi ah Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ugu bilawday Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad.

Imtaxaanka ayaa si habsami leh u bilawday iyadoo dhamaan Ardeyda ka kala socday Iskuulada Degmada Dhoobley si wadajir ah imtaxaanka ugu sameynayeen Iskuulka Waamo ee Degmada Dhoobley.

Waxaana sanad dugsiyeedkan imtaxaan fasalka 8-aad u fariisatay Ardey gaareysa 171 Arday oo kala socday Iskuulada Degmada Dhoobley.

Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya