Imran Khan oo lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah.

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Jimcaha maanta ah ku heshay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi kiis musuq-maasuq oo taariikhi ah, waxayna Khan ku xukuntay 14 sano oo xarig ah.

Khan ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo bishii Agoosto 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa ku andacoonaya in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada.

Maxkamadda la-dagaalanka musuq-maasuqa ayaa isugu timid xabsiga uu Khan ku xiran yahay ee ku dhow caasimadda Islamabad, waxaana ay ku xukuntay lamaanahan dambiyo lagu soo oogay oo xiriir la leh hay’ad samafal oo ay si wadajir ah u aas-aaseen oo lagu magacaabo Al-Qadir Trust.

Khan ayaa ku adkeysanaya in dhammaan kiisaska ka dhanka ah ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo loogu talo-galay in looga ilaaliyo inuu ku soo laabto xukunka.

Xukunkan ayaa imanaya maalin kadib kulan naadir ah oo dhex maray madaxda PTI iyo dowladda kaas oo looga gol lahaa in lagu qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa sheegay inay ka doodi doonaan xukunka.