Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga mamnuucay inuu xafiis siyaasadeed u tartamo muddo shan sano ah, kadib markii guddiga doorashada dalka ay xukumeen inuu mas’uuliyiinta ka marin habaabiyey hadiyado uu ka helay hoggaamiyeyaal shisheeye intii uu xafiiska joogay.
“Guddiga Doorashada Pakistan wuxuu shaaciyey in Imran Khan uu ku lug yeeshay dhaqan musuq-maasuq,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Gohar Khan, oo ka mid ah qareenadiisa, kaasi oo intaas ku daray in shan sano la mamnuucay.
“Waxaan damacsannahay inaan uga loolanno maxkamadda sare ee Islamabad,” ayuu yiri.
Saraakiisha dowladda ayaa waxaa qasab ku ah inay shaaciyaan dhammaan hadiyadaha, balse waxaa loo ogol yahay inay haystaan kuwa ka hooseeyo qiimo gaar ah.
Wargeysyada Pakistan ayaa muddo bilo ah daabacayey sheekooyin Khan iyo xaaskiisa ku tuhmaya inay heleen hadiyado qaali oo u qalma malaayiin dollar intii lagu guda jiray safaro dibadeed.Waxaa ku jira saacado qaali ah, dahab, boorso gacmeedyo iyo barfuuno.
Khan ayaa lagu eedeeyey inuu ku guuldarreystay inuu shaaciyo qaar ka mid ah hadiyadaha, ama uu ka faa’iiday iibintooda.
Ashtakooyinka ka dhanka ah Khan ayaa waxaa markii hore intii uu xafiiska joogay guddiga doorashada u gudbiyey Dhaqaaqa Dimoqraadiyadda Pakistan, oo ah isbaheysi xubnihiisa ay hadda inta badan ka sameysan tahay dowladda Pakistan.
Xilligaas, Khan wuxuu sheegay inuusan shaacin qaar ka mid ah hadiyadaha sababo amni qaran dartood, hase yeeshee wuxuu qoraal ku qirtay inuu iibsaday alaabo qiimahoodu yahay 22 milyan oo rupee ($100,000) kadibna uu ku iibiyey laba jibaar lacagtaas.