Imran Khan iyo xaaskiiska oo racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, oo xabsiga ku jira, iyo xaaskiisa Bushra Bibi ayaa Isniinta maanta ah rafcaan ka qaatay xukunno musuq-maasuq oo lagu riday, sida uu sheegay qareenkiisa.

Imran Khan, oo 72 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Agoosto 2023, isagoo wajahaya ku dhawaad 200 oo dacwadood oo uu ku tilmaamay kuwo loogu talagalay in lagu cadaadiyo siyaasad ahaan.

Tan iyo markii la xiray, Khan waxaa la xukumay afar mar, iyadoo laba xukun laga noqday, halka labada kale xukunadooda la hakiyay.

Guddi khubaro ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sanadkii hore shaaca ka qaaday in xarigga Khan “uusan sharci ku salaysnayn,” isla markaana uu u muuqdo mid loogu talagalay in looga reebo ka qeybgalka doorashooyinka.