Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga waxa lasoo gabogabayn doonaa toddobaadka dambe, waxaanay koxoaha qaarkood haddaba sii ogyihiin lacagta ay ka heli doonaan maamulka LaLiga oo ku xidhnaan doonta boosaska ay ka gelayaan horyaalka xilli-ciyaareedkan.
Barcelona oo waqti horeba ku guuleysatay horyaalka ayaa ah kooxda lacagta ugu badan ka heli doontaa lacagta ugu badan.
Sharciga Spain ayaa dhigaya, in xuquuqda baahinta telefishannada iyo lacagaha soo xerooda ay kooxaha horyaalku helaan 25%, iyadoo lagu sallaynayo natiijooyinka iyo boosaska ay kala galaan kooxahani.
Xilli-ciyaareedkii hore ee 21/22, waxa kooxaha LaLigta loo qaybiyey lacag dhannayd 1.47 bilyan oo Euro, waxaana si is-le’eg ama sinnaan ah loo qaybiyey 713.5 milyan oo Euro, taas oo ka dhigan in koox walba la siiyey 35.6 milyan oo Euro. Tiradan ayaa ahayd 50% lacagta kasoo xerootay xuquuqda baahinta. Inta soo hadhay oo ahayd 713.5 milyan oo Euro, waxa qayb ka mid ah oo noqonaysay 356.7 milyan oo Euro lagu bixiyey sida ay kooxuhu ugu kala horreeyeen kaalmaha ay galeen, waxaana tirada ugu badan oo noqonaysa 17% heshay kooxdii kaalinta koowaad gashay ee ku guuleysatay horyaalka oo ahayd Real Madrid.
Inkasta oo aan wali la shaacin tirada lacagta LaLiga uga timid xuquuqda baahinta telefishannada xilli-ciyaareedkan, haddana waxa la hayaa qaaciidada lagu sallaynayo qaybinta iyo qiyaasta lacagta la filayo.
- Kaalinta koowaad, 17%: 60.64 million
- Kaalinta labaad, 15%: 53.51 million
- Kaalinta saddexaad, 13%: 46.37 million
- Kaalinta afraad, 11%: 39.24 million
- Kaalinta shanaad, 9%: 32.10 million
- Kaalinta lixaad, 7%: 24.97 million
- Kaalinta toddobaad, 5%: 17.83 million
- Kaalinta siddeedaad, 3.5%: 12.48 million
- Kaalinta sagaalaad, 3%: 10.70 million
- Kaalinta tobnaad, 2.75%: 9.81 million
- Kaalinta 11aad, 2.5%: 8.91 million
- Kaalinta 12aad: 2.25%: 8.02 million
- Kaalinta 13aad, 2%: 7.13 million
- Kaalinta 14aad, 1.75%: 6.24 million
- Kaalinta 15aad, 1.5%: 5.35 million
- Kaalinta 16aad, 1.25%. 4.46 million
- Kaalinta 17aad, 1%: 3.56 million
- Kaalinta 18aad, 0.75%: 2.67 million
- Kaalinta 19aad, 0.5%: 1.78 million
- Kaalinta 20aad, 0.25%: 0.89 million