Imisa Ayuu Noqon Lahaa Qiimaha Rio Ferdinand Suuqa Kala Iibsiga Maanta? Ferdinand Qudhiisa Oo Jawaab Cajiib Ah Bixiyay

0
92

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa ka hadlay qiimaha uu isagu shaqsiyan joogi lahaa suuqa kala iibsiga maanta oo ka sicir-barar badan midkii wakhtigiisii.

44 sano jirkaas ayaa ahaa daafaca ugu qaalisan dunida kubadda cagta markii uu kusoo biiray Manchester United wuxuuna aaminsan yahay inuu rekoodhkaas markale jabin lahaa.

Image

Rio oo ka hadlayay bartiisa Youtube ee Five ayaa sheegay in 100 Milyan isaga ahaan yaraan lahaa balse uu isku qiimaynayo 170 Milyan oo pound iyo 400,000 oo pound mushahar ah toddobaadkii.

“100 Milyan ka badan ayaan noqon lahaa haatan, wakhtigaas hore ayaan ahaa 30 Milyan oo pound” ayuu yidhi Ferdinand.

“100 Milyan oo pound way jabnaan lahayd saaxiib, 170 Milyan oo pound, 400,000 oo pound toddobaadkii, intaas ayaan noqon lahaa haatan”.

Intii uu ku gudo jiray waayihiisii ciyaareed, Ferdinand ayaa laba jeer noqday daafaca ugu qaalisan kubadda cagta, 18 Milyan oo pound ayay West Ham ka bixisay markii ay Leeds United kala saxeexatay 2001 isagoo ahaa British-ka ugu qaalisan iyo daafaca ugu qaalisan guud ahaan dunida.

Markale 2003 Ferdinand ayaa rekoodhkiisii ahaa daafaca ugu qaalisan dunida oo uu Lillian Thuram ka jabiyay kasoo ceshaday isagoo 33 Milyan oo pound ugu wareegay Man United.

Haatan daafaca isla Man United ka tirsan ee Harry Maguire ayaa ah daafaca ugu qaalisan dunida isagoo 80 Milyan oo pound ku haysta rekoodhkaas.