Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Iiraan ayaa beenisay eedeyn loo jeediyay oo ahayd in ay ka dambeysay qorshihii iskudayga dil ahaa ee lagu bartilmaameedsaday madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Nasser Kanaani ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay mid been abuur ah oo aan niyad wanaag ku saleysnayn.
Sanadkii 2020-kii ayaa Iiraan laga dilay taliye sare oo military
Jawaabta xukuumadda Tehraan ayaa timid ka dib markii warbaahinta gudaha Maraykanka oo soo xiganaysa saraakiil aan magacyadoodu la shaacin ay tabisay in Maraykanka uu ogaaday in Iiraan ay halis ku tahay nolosha Trump.