Iibsashada Bitcoin oo hoos u dhac uu ku yimid.

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixin cusub oo ay soo saartay CryptoQuant ayaa muujinaysa in xiisaha loo qabo iibsashada Bitcoin ay gaadhay heerkii ugu hooseeyay sannadkan.

Hoos udhacan ayaa ka dhigan in dadkii hore u maalgelin jiray ay bilaabeen inay dib uga fiirsadaan iibsashada Bitcoin, taas oo sababtay hoos u dhac ku yimid qiimaha suuqa.

Bilihii hore ee sannadkan, baahida Bitcoin waxay ahayd mid xooggan oo daneeyayaasha iibsanaaya lacagtan waxay ahaayeen tira badan, laakiin laga bilaabo dabayaaqadii February, xaaladdu way is beddeshay. Dadkii hore u iibsan jiray waa ay ka joogsadaan iibsadhada Bitcoin, oo waxay keentay in baahida danaynta iibsadhada Bitcoin ee suuqu ay si tartiib ah hoos ugu dhacdo.

Haddii xaaladdu sidan sii ahaato, qiimaha Bitcoin waxaa la filayaa in uu hoos u dhac la kulmo. Laakiin haddii maalqabeennadu markale xiiso u muujiyaan Bitcoin, waxaa suurtagal ah in qiimaha uu sare u kaco.

Dadka ku jira suuqa Bitcoin waa inay si taxaddar leh ula socdaan isbeddellada dhacaya si ay go’aammo sax ah u gaadhaan.