Icardi, Ozil, Ali, Mata & Shaxda Ugu Adag Ee Xiddigaha Waa Weyn Ee Ka Ciyaara Horyaalka Turkiga

0
145

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka Turkiga ayaa helay xiddigo waa weyn suuqaan kala iibsiga ee xagaaga iyadoo xiddigo waa weyn oo caan ka ah Yurub ay u wareegeen horyaalka.

Dele Alli, Juan Mata, Mauro Icardi iyo Lucas Torreira ay dhamaantood u dhaqaaqeen horyaalka Super Lig todobaadyadii ugu danbeeyay iyagoo ku biiray xiddigaha sida Mesut Ozil.

Laakiin kumaa ku soo baxay shaxda xiddigaha ugu fiican horyaalka Super Lig.

Advertisements

Goolhaye: Fernando Muslera – Waa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu khibrada badan ee ka ciyaara Yurub, waana goolhayaha xulka qaranka Uruguay, isagoo haatan wacdarro u dhigaya Galatasaray.

Daafac dhexe: Romain Saiss – daaficii hore ee Wolves waa ciyaaryahan la isku haleyn karo haddii uu ka ciyaarayo daafac dhexe ama burburiyaha khadka dhexe. Wuxuu xagaagii ku biiray Besiktas.

Daafac dhexe: Marc Bartra – Intii uu Barca joogay marnaba ma gaarin heerkii laga filayay, labo sannadood uu joogay Borussia Dortmund ka dib wuxuu u wareegay Real Betis sannadkii 2018, isagoo haatan ku biiray kooxda Trabzonspor.

Daafac dhexe: Sergio Oliveira – Inkastoo booskiisa uusan aheyn daafac dhexe hadana waa xiddig waayo arag ah oo mudan inuu shaxdaan ka soo muuqdo isagoo muddo dhowr sannadood ahaa mashiinka khadka dhexe ee FC Porto, haatan wuxuu u ciyaarayaa Galatasaray.

Burburiye Khadka Dhexe: Lucas Torreira – Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal ayaa xagaagan isna ku biiray kooxda Galatasaray isagoo doonaya inuu badbaadiyo waayihiisa ciyaareed ka dib markii uu ku fashilmay Gunners.

Garabka bidix ee khadka dhexe: Nathan Redmond – Xiddigii hore ee Norwich iyo Southampton ayaa ah madaale haatan ka xamaalanaya horyaalka Super Lig.

Khadka dhexe: Juan Mata – El Mago waa mid ka mid ah xiddigaha ugu hal abuurista fiican kubada cagta. Waqtigiisii ugu fiicnaa waxa uu ku dhumiyay Man United oo garab ciyaarsiineysay bedelkii uu u maamuli lahaa khadka dhexe. Haatan wuxuu boos ka helayaa Galatasaray.

Khadka Dhexe: Mesu Ozil – Xiddiga hal abuurka iyo farsamada isku darsaday ayaa ka xamaalanaya horyaalka Super Lig. Markii uu ka tagay Arsenal wuxuu u wareegay Fenerbahce laakiin haatan wuxuu u ciyaarayaa kooxda Basaksehir.

Garabka midig ee khadka dhexe: Bertrand Traore – Xiddiga Aston Villa amaahda uga maqan ayaa ka garab ciyaaraya xilli ciyaareedkan Mesut Ozil.

Kubadsameeye: Dele Alli – Inkastoo uu ku fashilmay Tottenham iyo Everton, Dele Alli waa xiddig tayo leh, wuxuuna isku dayayaa inuu awoodiisa ku soo bandhigo kooxda Besiktas oo uu u wareegay xagaagan.

Gooldhaliye: Mauro Icardi – Weeraryahanka PSG Mauro Icardi oo ka mid ah gooldhaliyayaasha ugu fiican dunida ayaa amaah ugu wareegay Galatasaray xagaagan.

Screenshot 2022 09 09 191715
Xiddigaha Xusida Mudan Ee Ka Ciyaara Super Lig:

(Goolhaye) Altay Bayindir, (Goolhaye) Ugurcan Cakir, Victor Nelsson, Leo Duarte, Leo Dubois, Patrick Van Anholt, Arthur Masuaku, Gedson Fernandes, Marek Hamsik, Nacer Chadli, Dries Mertens, Maxi Gomez, Wout Weghorst.